Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay faarujiyeen deegaanka Tooratoorow ee gobalka Shabellaha Hoose.
Wariyaha Goobjoog News ee gobalkaasi Maxamed Cabdi Xasan Afgooye ayaa sheegay in ciidamadaan ay si lama filaan ah ku faarujiyeen deegaankaasi, waxaana markii ay halkaasi faarujiyeen goobta gaaray ciidamo ka mid ah Al-shabaab.
Xiriir wariyaheena uu la sameeyay dadka ku dhaqan deegaankaasi ayaa waxay u sheegeen in aanay jirin wax dagaal ah oo halkaasi ka dhacay kahor inta aysan faarujin ciidamada AMISOM, hase ahaatee dadka ay ka baqanayaan in deegaankaasi lagu dagaallamo maadaama Al-shabaab ay ku sugan yihiin.




From the comments