Maamulka degmada Cadaado ee Ximan iyo Xeeb ayaa sheegay in amniga magaaladaasi aad loo adkeeyay, maadaama loo diyaar garoobayo doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug.
Gudoomiyaha degmadaasi Cabdullaahi Cabdiraxmaan Xuseen oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in amniga Cadaado gacan adag lagu hayo, uuna yahay mid sare.
Waxa uu sheegay in magaalada ay marti gelinayso dhismaha maamulka Galmudug oo haatan meel gabagabo ah maraya, waxaana uu sheegay in ka maamul ahaan ay ku dadaaleen sidii martida ku sugan magaaladaasi ay nabad galyo howshooda ugu wadan lahaayeen.




From the comments