Guddiga doorashooyinka madaxweytinimo ee maamulka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u bilaabaya qabashada araajida musharixiinta u taagan xilka madaxweynenimo iyo ku xigeenimo ee Galmudug.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Maxamuud Aadan Cusmaan ayaa yiri “Laga bilaabo 30ka bisha June , 2015 waxaa la bilaabayaa qabashada araajiida dadka u tartamaya madaxweynenimada iyo ku xigeenada Galmudug, qabashadana waxa ay ku egtahay 1-da bisha todobaad 2015-ka” ayuu yiri.
Araajiida ayaa waxaa la geynayaa xafiiska guddiga, halkaasi oo musharixiinta laga siinayo waraaqo caddeynaya in ay musharixiin yihiin, iyo waliba shuruudaha laga doonayo.




From the comments