Qaar ka mid ah oday dhaqameedyada gobolka Galgaduud ayaa ciidamada AMISOM ee Itoobiya ka socda iyo kuwa dowladda ku eedeeyey in ay laayeen macalimiin diinta islaamka iyo waliba dad rayid ah.
Macalin Maxamuud Cali Maxamuud oo ka mid ah salaadiinta gobolka Galgaduud ayaa Goobjoog u sheegey in deegaanada Ceel Qooxle iyo Ceel-la-heley oo ka tirsan degmada Ceel Buur bishii June 27-deedii lagu laayay dad tiradoodu ay gaareyso 16 qof.
Dadkani waxaa ka mid ahaa labo macalin dugsi oo caan ka ahaa deegaanka waxaana ka mid ah Sheekh Daahir Xede Maxamed iyo Cabdullaahi Bood Cabdi Fiidoow sida uu sheegey oday dhaqameedkani.




From the comments