Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa billad sharaf siiyey duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, iyada oo lagu abaalmariyey kaalintii uu ka qaatay qabanqaabada munaasabadihii 26-ka June iyo 1-da Luuliyo.
Munaasabadahan ayaa waxaa lagu qabtay xarunta cusub ee dowladda hoose ee Muqdisho oo uu dhisey maamulka magaalada iyo dadweynaha, waxayna noqotey meel aad ugu habboon martigalinta munaasabadahan, islamarkaasina taariikhi ah.
Madaxweynaha ayaa u mahadceliyey dhamaan xubnaha guddigii qabanqaabada iyo dadkii kale ee ka qeybqaatay.




From the comments