Musharraxiinta Galmudug Oo Maanta Khudbadahooda Jeediyay

Musharaxiinta u taagan xilka Maaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa ayaa maanta waxa ay soo jeediyeen khudbadahooda si ay uga hadlaan taariikh nololeedkooda iyo waxa ay qabanayaan.
12 Musharrax ayaa maanta u khudbeeyay Baarlamaanka Galmudug, waxaana ay soo bandhigeen qorshahooda, iyadoona 6 ka mid ah musharaxiinta u taagan yihiin xilka madaxweyne, halka 6-da kale ay ku tartami doonaan madaxweyne ku xigeen.
Khudbadaha oo kala duwanaa ayaa musharrax walba waxa uu sameeyay balanqaad badan hadii uu xilkaasi ku guuleysto.
Musharaxiinta hadashay ayaa kala ahaa:-
Musharixiinta Madaxweyne
- Axmed Cabdisalaan
- Axmed Macalin Fiqi
- Cabdikariim Xuseen Guuleed
- Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
- Maxamed Cilmi Afrax
- Xasan Maxamed Nuur Qalaad
Musharaxiinta Ku xigeenada
- Bashiir Diiriye Shariif
- Cabdulaahi Bashiir Cabdinuur
- Cabdulaahi Xaashi Warsame
- Cabdiqaadir Cabdulaahi warsame
- Maxamed Xaashi Carabeey
- Xasan Maxamed Warsame
Maalinta Sabtida 4-ta July waxaa magaalada Cadaado lagu qaban doonaa doorashada madaxweynaha Galmudug, waxaana magaaladaasi laga dareemayaa qabanqaabada doorashadaasi.
Goobjoog News