Goobjoog

Maalgashiga Internet-ka Soomaaliya oo Laga Hadlay

Kulan qeybtii labaad oo ay yeesheen golaha wasiirada oo uu shir guddoomiyey ra’isulwasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa looga hadlay arrimaha maalgashiga dalka, gaar ahaan Internet-ka. Wasiirka Warfaafinta,…

Maalgashiga Internet-ka Soomaaliya oo Laga Hadlay
network cables RJ45 connected to a switch

Kulan qeybtii labaad oo ay yeesheen golaha wasiirada oo uu shir guddoomiyey ra’isulwasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa looga hadlay arrimaha maalgashiga dalka, gaar ahaan Internet-ka.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo la hadlay Warbaahinta shirka golaha kaddib, ayaa sheegay in golaha ay ka hadleen Xeerka Maal-gashiga Caalamiga ah oo la joogo waqtigii uu ku haboonaa, waxa kaloo diiradda la saaray Arrimaha Internet-ka dalka oo ay ku howlan tahay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta,  golaha yuu sheegay in ay  boggaadiyeen guushii laga saaray Imtixaannadii  la qaadey ee Dugsida dalka intoo badan.

Waxay noqoneysaa markii ugu horeysey oo xukuumadda ay soo hadal qaado arrimaha internet-ka oo baahi weyn loo qabo, waxyaabo badan oo horumar ahna ku xiranyihiin dalka.

Goobjoog News

Goobjoog Newsletter

Ka hel Goobjoog wixii cusub.

Warar iyo falanqayn, iimaylkaaga.

From the comments