Talista ciidamada nabad illaalinta Midoowga Afrika ayaa beeniyey warar kusoo baxay qaar ka mid ah warbaahinta oo sheegayay in AMISOM ay dib oga guranayso deegaanadii ay horey ula wareegtey.
Maman Sidikou oo ah madaxa Midoowga Afrika ee Soomaaliya ayaa yiri “Waxaa idin xaqiijinayaa in aysan jirin magaalo ama goobo kale ay ka baxeen AMISOM, waxaana taas ay u ogolaan laheyd Al-Shabaab inay dib ugu soo laabtaan, si ay u kala dhantaalaan Nabadda”.
Balse waxa uu qirey in dib usoo bixisda dhacday in ay qeyb ka tahay is abaabul iyo qorsheyn cusub oo ku aaddan hawlgalo ka dhan ah Alshabaab.




From the comments