Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka hadlayey nidaamka Maamul u sameynta Gobollada Dhexe oo la filayo maalinta berri ah ee 4ta July 2015 in doorashada Madaxweynaha GalMudug ay qabsoonto, ayaa yiri “Dowladda Federaalka waxey ammaaneysaa isla markaasna dhiirigelineysaa shacabka deegaannada Gobollada Dhexe oo u istaagay aayahooda.”
Wasiir Maareeye ayaa sheegay in dadaalka dadka deegaanka ee Gobollada Dhexe oo ay aayahooda uga tashanayaan uu mudan yahay ammaan iyo dhiirigelin, bacdamaa ay ku guuleysteen in Madax Dhaqameedka ay soo xulaan xubnaha Baarlamaanka GalMudug kaas oo ku yimid, isu Samir, isu dulqaadasho, is faham iyo is qancin. Dowladda Federaalka waxey aad ugu faraxsantahay sida ay dadka deegaanka ula shaqeeyeen Dowladda Federaalka iyo dhammaan qeybaha bulshada ee deegaanada Gobollada Dhexe.
Ujeedada hirgelinta nidaamka Federaalka ayaa ah in maamulka Dowliga ah la gaarsiiyo heer gobol, heer degmo iyo heer tuulo si dadka deegaanka loo siiyo fursad ay aayahooda uga tashadaan. Dowladda Federaalku waxey soo dhoweyneysaa, dhiirigelineysaa, isla markaasna ammaaneysaa sida uu u qabsoomay shirka maamul u sameynta GalMudug. Dowladda Federaalku waxey ugu baaqeysaa dhammaan shacabka deegaanka Gobollada Dhexe inay si buuxda u taageeraan maamulka cusub oo shaqsi walba oo ku guuleysta xilka Madaxweynenimana ay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan.




From the comments