Seddax Musharrax Oo Usoo Gudbay Wareega 2-aad Ee Doorashada Madaxweynaha Galmudug
Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhaw soo gaba gabowday wareega 1-aad ee Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo ay ku tartamayeen 6-musharrax.
Xildhibaanada Baarlamnaanka Galmudug ee codeeyay ayaa ah tiradooda 89, waxaana musharraxiinta ay codadka u kala heleen sidan:-
- Axmed Cabdisalaan oo helay 12-cod
- Axmed Macalin Fiqi oo helay 29-cod
- Cabdikariim Xuseen Guuleed oo helay 29 cod
- Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo helay 6 cod
- Maxamed Cilmi Afrax oo helay 10 cod
- Xasan Maxamed Nuur Qalaad oo helay Seddax cod.
Hadaba sida uu horay guddiga u sheegay waxaa wareega Labaad usoo gudbaya mushharaxiinta ugu codka badan, waxaana guddiga doorashada uu shaaciyay in wareegaasi usoo baxeen musharaxiinta kala ah.
- Axmed Macalin Fiqi
- Cabdikariin Xuseen Guuleed
- Axmed Cabdisalaan.
Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.
Goobjoog News