Waxgaradka ku sugan magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa fariin waxa ay u direen dhammaan musharaxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Galmudug.
Suldaan Cabdikariin Suldaan Maxamuud oo ka mid ah waxgaradkaasi ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegay in looga baahan yahay musharaxiinta hadii midkood uu guuleysto ay inta kale taageeraan.
“Kolley 6-da qof ee u taagan xilka madaxweynaha Galmudug ma wada helayaan, mid kaliya ayaa helayo, inta kale waxaan leenahay taageera oo bogaadiya shaqsiga guuleysta”




From the comments