Dagaalyahanada Alshabaab ayaa xalay fiidkii la wareegey magaalada Wanle Weyn ee gobolka Shabeelada Hoose kadib markii ciidamada dowladda federaalka ay halkaasi isaga baxeen.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegey in Alshabaab ay damiyeen korontadii magaalada, kadibna ay dadka kala hadleen masaajidada magaalada, iyaga oo oga digey in ay dowladda taageeraan, kana horyimaadaan ururkooda.
Wanle Weyn waxa ay Muqdisho u jirtaa 90 kiilo mitir oo kaliya, waxana ay u dhowdahay garoonka Balli Doogle oo ah saldhig muhiim ah oo ciidamada AMISOM iyo kuwayoow kale ay degenyihiin, sidaasi oo ay tahay Alshabaab waxaa markasta u suurogasha in ay gudaha u galaan.




From the comments