Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud, taasi oo lagu doortay madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.
Gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada gobalka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ay u hambalyeenayaan ka maamul ahaan madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.
“Waxaan soo dhaweyneynaa doorashadii ka dhacday shalay magaalada Cadaado anaga oo u hambalyeenaynaa madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed, sidoo kale waxaan u mahad celinaynaa Musharaxiintii kale ee markii laga guuleystay u hambalyeeyay madaxweynaha” ayuu yiri Gudoomiye ku xigeenka.




From the comments