Wadahadalo waanwaan ah oo odayaal ay ka dhax wadeen maamulka Puntland iyo jeneraal Muxyadiin Axmed Muuse oo gadoodey, ciidamadana la goostey ayaa lagu soo waramayaa in ay miro dhali waayeen.
Koox odayaal ah oo lasoo kulmey jeneraalka oo ku sugan deegaanka Qarxis ee gobolka Nugaal ayaa sidoo kale la kulmey madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, wuxuuna madaxweynaha u sheegey in uusan wax wada xaajood ah la galeynin jeneraalka, habka kaliya ee lagu dhameyn kara arrintana ay tahay in Jeneraalka uu dowladda isu soo dhiibo, hubkana dhigo.
Jeneraal Muxyadiin oo dhankiisa la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegey in dhankiisa uu ogolyahay wadahadalka, balse waxa uu madaxweyne Gaas ku eedeeyey in uu yahay kan diidan wadahadalka, caqabadna ku yahay in xal la gaaro.




From the comments