Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal waxa ay ka wadaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose, kaasi oo ammaanka lagu xaqiijinayo.
Wararka ay halkaasi ka helayso Goobjoog News ayaa ku waramaya in ciidamada ay galayaan qaar ka mid ah guryaha ku yaalla magaalada Kismaayo, inkastoo aan la shaacin dad lasoo qabtay.
Sarkaal ka tirsan Jubbaland ayaa inoo xaqiijiyay in howlgalkaan uu yahay mid looga dan leeyahay sidii loo xoojin lahaa amniga Kismaayo.




From the comments