Xisbiga Daljir oo ka mid ah Axsaabta siyaasadeed ee dalka ka jirta ayaa wuxuu u furay in ka badan 300-xubnood kana tirsan garabka dhalinyarada ee xisbiga gaar ahaan gobolka Banaadir (Youth training Program), wuxuuna tababarkani ka dhacay hoolka shirarka (xarunta tabobarada ee Somali Media Academy maalmihii Sabtida iyo Axada 4-5 july 2015 iyada oo halkaas loogu qaybiyay kaararkii xubinimada xisbiga Daljir.
Tababarkan oo isu jiray dhowr qaybood oo kala ah sidatan soo socota:
- Dhisida garabka dhalinyarada ee xisbiga Daljir (Building Daljir party Youth Wing)
- Sida loo maamulo xisbi siyaasadeed (How to Manage a Political party)
- Aasaasidda iyo shaqada xisbiyada siyaasadeed (The origins and Functions of political parties)
Tababarkaas oo soconayay mudo 2 maalmood ah,ayaa ugu horayn waxaa ka hadlay xog-hayaha Arimaha bulshada ee xisbiga Aways Sheikh Axmed ayaa yiri “tabarbarkani waa kii ugu horeeyey ee loo sameeyey dhalinyarada ku soo biirtay xisbiga kaas oo ka caawinaya sidii ay u noqon lahaayeen hogaamiyaal anfaca dalkooda”





From the comments