Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee degmada Matabaan Gobalka Hiiraan ayaa kasoo horjeestay doorashadii Afartii bishaan ka dhacday magaalda Cadaado, taasi oo lagu doortay madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.
Gudoomiyaha degmadaasi ee Ahlu-sunna oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ka maamul ahaan aysan taageersaneen maamulkaasi, islamarkaana iyagu ka mid yihiin maamulka Ahlu-sunna ay sheegtay in ay u dhistay gobalada dhexe.
“Anaga ka maamul ahaan iyo ka shacab ahaanba diyaar uma nihin maamulkaas la sameeyay, waxaan leeyahay waa lagu fashilmay Cadaado, anaga waxaan ka tirsannahay maamulka gobalada dhexe ee laga dhisay Dhuusamreeb” ayuu yiri gudoomiyaha.




From the comments