Illa aiyo 14 qof ayaa lagu soo waramayaa in lagu laayay weerar saakay aroortii kooxo hubeysan oo looga shakisanyahay in ay Alshabaab yihiin ay ka geysteen tuulo yar oo u dhow magaalada Mandheera ee xadka ku taala dhanka Kenya.
Tirada dhaawacyada ayaa iyaduna maraysa illaa 10 qof waxayna dadkani ahaayeen kuwa ka shaqeeya godadka laga qodo carro kaawada.
Wararka waxa ay sheegayaan in dadkani oo ku sugnaa tuulada Suuqa Arriga ama Soko Mbuzi halka loo yaqaano ay badankood ku jireen teendhooyin oga dhisan guryo banaankiisa sababo la xiriira jawiga oo kululaa, kadibna kooxo hubeysan ay ku weerareen bambaanooyin.




From the comments