Barakacayaasha ku dhaqan degmada Jowhar ee xarunta gobalka Shabellaha Dhexe ayaa lagu soo waramayaa in xilligaan ay hayso xaalad adag oo dhanka nolosha ah, iyaga oo ugu baaqay maamulka degmadaasi in ay wax u qabtaan.
Barakacyaashaan oo degan nawaaxiga garoonka magaalada Jowhar ayaa u sheegay Goobjoog News, in xaaladda ugu adag ee hadda haysa ay tahay helitaanka biyo Nadiif ah, Raashiin iyo sidoo kale xarumo caafimaad.
Gudoomiyaha degmada Jowhar Cabdiqaadir Cabdulle Maxamed ayaa si uu ugu kuur galo xaaladda adag ee dadkaasi ku nool yihiin waxa uu tagay halka dadkaan ay deganyihiin, isaga oo garowsaday dhibaatada dadkaan haysato.




From the comments