Boqolaal ciidamo aad u hubeysan ah ayaa ka qeybgalay dhoolatus maamulka Ahlu Sunna ay ka sameeyeen magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo dhawaan ay kaga dhawaaqeen dowlad goboleed.
Waxaa dhoolatuska ka qeybgalay madaxweynaha cusub ee maamul goboleedkaasi Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, kaasi oo ciidamada ku bogaadiyey dhiiranaantooda, kulana dardaarmay in ay difaacaan deegaankooda iyo dadkooda.
Dhoolatuskani waxa uu dhacayaa xili todobaad ka hor magaalada Cadaado lagu soo dhisey dowlad goboleedka Galmudug oo uu madaxweynenimada ku guuleystey Cabdikariim Xuseen Guuleed.




From the comments