Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarunta madaxtooyada afur ugu sameeyay madaxda laamaha amniga qaranka.
Madaxweynaha ayaa intii munaasabadda ay socotey kala hadley madaxda laamaha amniga, xaaladda dalka uu ku sugan yahay iyo sida ciidammada looga doonayo inay doorkooda saliimka ah uga cayaaraan.
“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed way ogsoon yihin hawsha adag ee ay Ciidammada Qalabka Sida inoo hayaan. Hawshaasi waxaan doonayaa in la labanlaabo, ilamaa guud ahaan cadowga laga sifeeyo waddanka, awooddeenana aan isugu geyno dhanka horumarka”.





From the comments