Maamulka Puntland ayaa ka dalbaday wadamada deeqaha bixiya iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed in ay ku gacan siiyaan u gargaarida dadka Soomaaliyeed ee kasoo cararaya dagaallada ka socda dalka Yaman.
Wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha ee maamulka Puntland ahna wakiilka dhinaca arimaha qaxootiga u qaabilsan Maamulkaasi Cabdullaahi Xaashi Qoobdooro oo wareysi u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ay muhiim tahay in aan Puntland oo keliya lagu eegan xaalada qaxootiga Yaman ka imaanaya.
Waxa uu sheegay in maalinba maalinta ka danbaysa ay sii kor dhayaan tirada dadka ka imaanaya Yemen oo dagaallo ay ka socdaan, islamarkaana dhankooda sida uu hadalka u dhigay aysan ka daaleyn caawintooda iyaga oo kaa shanaya shacabka deegaanada Puntland gaar ahaan kuwa reer Boosaaso.




From the comments