Waxaa markii ugu horeysey magaalada Muqdisho yimid wafti uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casar iyo guddoomiye ku xigeenkiisa mudane Xareed kadib markii ay casuumaad ka heleen baarlamaanka federaalka.
Waxaa waftiga ka mid ah xildhibaano, waxayna joogi doonaan sida wararka sheegaya dhawr maalmood inta ay wadahadalada la leeyihiin baarlamaanka federaalka.
Lama oga waxa ay ka wadahadlayaan, laakiin sida uu horey u sheegey guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Prof. Maxamed Jawaari waxaa jiraya wada shaqeyn ay yeelanayaan baarlamaanada gobolada iyo kan federaalka.




From the comments