Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in askar ka tirsan AMISOM ay dad rayid ah ku dileen magaaladaasi, ka dib qarax lagu weeraray ciidankaasi.
Ciidamada AMISOM oo marayay bartamaha magaaladaasi ayaa wararku waxay tilmaamayaan in lagu tuuray Bam gacmeed, kaas oo wax khasaare ah aan geysan, balse ciidamada AMISOM ayaa rasaas ay fureen waxaa ku dhintay Laba qof oo shacab ah, iyadoo Laba kalena ay ku dhaawacmeen.
Dadkii ku dhaawacmay rasaasta ay AMISOM furtay oo xaaladooda aad u liidato ayaa lagu soo waramayaa in loo soo qaaday magaalada Muqdisho, si loo daweeyo.




From the comments