Kulan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayay culumo Soomaaliyeed kusoo bandhigeen barnaamij cusub oo lagu furayo xarun dadka si lacag la’aan ah loogu bari doono waajibaadka xajka ka hor inta aysan u kicitimin Xajka.
Maxamuud Sheekh Ibaahim Suuleey oo ka mid ah mas’uuliyiinta machadka cusub ayaa yiri “baahida keentey waxaa ka mid ah dadkii baadiyo ayuu ka imaanayaa, xoolo ayuu bixinayaa, waqti ayuu bixinayaa, xajkii ayuu aadayaa, isaga oo maran ayuu iska soo laabanayaa isaga oo aanan waajibka si wanaagsan usoo gudanin”
Waxa uu sheegey in gudashada xajka ay waajib tahay in qofka uu yaqaano waxyaabaha uu ku ansaxayo, waxa burinaya, sida ujeedka qofka meesha u tagay u gudanayo.




From the comments