Taliyaha ciidamada nabadgalyada waddooyinka Cali Gab ayaa soo bandhigey gaari yar oo maanta lagu qabtay Muqdisho kaasi oo la sheegey in uu ahaa gaari saacado ka hor lagu geystey dil nin mas’uul ah.
Cali Gaab ayaa sheegey in gaariga uu watay taargo been abuur ah “Gaarigan siduu noo sheegay Taliyaha Qeybta Galbeed wuxuu dad ku laayay degmada Wadajir baabuurkan wuxuu u shaqeynayay qaab taxi oo kale ah wuxuu saaranayay calaamadan waxaa layaab leh in taargadiisuna ay tahay mid maduufiko ah oo sidaa u jeediin gasac caanabore iyo Xaashi leysku dhajiyay waa dad ku talagalay inaa taargadooda dib loo raacin ama aan la baarin”.
Inkasta oo ay baxsadeen raggii falalka amni darada geystey ee gaariga watay ayaa waxaase la qabtay mid ka mid raggaasi oo la dhaawacay.




From the comments