Diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa goor dhow duqeyn ay ka geysteen gobalka Gedo waxa ay ku dileen 10 qof oo shacab Soomaaliyeed ah.
Duqeyntaan ayaa ka dhacday deegaan u dhaxeeya degmada Ceelwaaq iyo deegaanka Dhamas ee gobalka Gedo, waxaana la sheegay in dadka ay reer Miyi ahaayeen.
5 ka mid ah 10 qof ee dhimatay waxaa la xaqiijiyay in ay ahaayeen caruur dugsi Qur’aan dhiganeysay, iyadoo sidoo kale uu jiro dhaawac badan oo aan la xaqiijin inta uu la egtahay.




From the comments