Xeer Illaaliyaha guud ee Qaranka Axmed Daahir ayaa u ambo baxay magaalada Hague ee dalka Netherlands halkaasi oo maalinta bari ah lagu wado in Soomaaliya ay maxkamadda caalamiga ah ee caddaalada adduunka ay ka diiwaangaliso dacwad ka dhan ah Kenya.
Shir ay dhawaan yeesheen golaha wasiiradda ayaa lagu go’aamiyey in dacwadda si rasmi ah loo furi doono 13-ka bishan Luuliyo, islamarkaasina aysan Soomaaliya ku qanacsanayn wax ka yar in lagu kala boxo maxkamadda.
Hadalkani ayaa ka dambeeyey kadib markii wasiirka arrimaha dibada Kenya Aamino Maxamed ay baarlamaanka dalkaasi u sheegtey in Soomaaliya ay ogolaatay in ay dacwadda la noqoto, islamarkaasina arrimaha lagu dhameeyo xaal mastuur, taasi oo ay Soomaaliya beenisey.




From the comments