Gobalka Gedo ayaa laga soo sheegayaa in ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamada dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah, iyadoo ciidamada is garabsanaya ay ku socdaan degmada Baardheere.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadii Itoobiya ee kasoo tallabay xadka dhanka Gedo ay haatan dhanka degmada Baardheere u jirsadeen 110 Kilo Miter, waxaana la dareemayaa dhaqdhaqaaq ciidan oo ka socda meelo badan oo gobalka Gedo ah.
Qof ku sugan degmada Baardheere ayaa u sheegay Goobjoog News in shacab badan oo ku dhaqnaa degmadaasi ay bilaabeen in halkaasi ay ka barakacaan, iyaga oo aadaya deegaanada kale ee gobalka.




From the comments