Saraakiil sarsare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Xeer Illaaliyaha Guud Axmed Daahir ayaa maanta lagu wadaa in dcwad ka kooban 150 bog ay u gudbiyaan maxkamadda caddaalada adduunka ee Hague ku taala, taasi oo ka dhan ah Kenya oo sheeganaysa dhul badeen Soomaaliya ka tirsan.
Sida uu qabo qaanuunka maxkamadda, dalka dacwadda laga gudbiyey (Kenya) waxa uu heystaa muddo 8 bilood ah laga soo bilaabo marka dalka dacwoonaya (Soomaaliya) uu dacwadda gudbiyo, taasi oo micnaheedu yahay in sanadka dambe bisha Maarso ay bilaabanayso dhagaysiga dacwadda.
Dowladda Soomaaliya ayaa talaabadan qaadday, iyada oo diidey soojeedin Kenya ka timid oo ahayd in maxkamadda banaanka lagu dhameysto arrimaha.




From the comments