Wasiir ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda XFS Maxamud Xayir Ibraahim iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Axmed Yuusuf Muumin (Siraaji) ayaa booqday Bangiga Dhexe oo maanta ay ka socotay bixinta mushaaraadkii shaqaalaha dowladda, waxayna kormeer ku soo sameeyeen qaaybaha kala duwan ee Bangiga.
Shaqaalaha dowladda ayaa safaf dhaadheer ugu jiray qaadashada mushaarka, si ay ula ciidaan qoysaskooda, waxaana dowladu dadaal ugu jirtaa sidii hada kadib shaqaalaha dowladda mushaarkoodu joogta u noqon lahaa.
“Runtii xanuun weyn ayeey nagu haysay in shaqaalaha dowladu aysan mushaar qaadan 4-tii bilood ee u danbaysay, waana mid aan la qaybsanayno shaqaalaha iyo qoysaskooda. Waxaana arinkaan sababay Miisaaniyadii la qoondeeyey 49% oo laga sugayey dibadda ayaan soo xaroon, waxaana dowladu ku khasbanaatay in loo beekhaamiyo dhaqaalaha soo xarooda adkaynta amniga iyo tasiilaadka ciidamada kala duwan ee qalabka sida. ayuu yiri Wasiir Xayir oo dhanka kale xusay in dakhliga guduhu kordhay, balse taa macnaheedu maahan in ay dabooli karto baahiya jira.




From the comments