U bood dhigaalka

Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Oo Goobjoog Ku Amaanay Hagar La’aanta Ay Shacabka Ugu Shaqeeyeen

Sheeko:Dalka

Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Ee Nusi ayaa ku amaanay Idaacadda Goobjoog mudadii ay shaqeynaysay iyo sida ay bulshada wax ugu qabatay.

Xoghayaha Ururukaasi Maxamed Ibraahim Pakistan oo hadal ka jeediyay Munaasabadda loogu dabaal degayo Sanad guuradii Sedaxaad marka ay Idaacadda Hawada kusoo biirtay, ayaa sheegay in aysan u haysan Goobjoog Seddax Sano in ay jirtay, balse ay u maleenayeen Sanado intaasi ka badan inay shaqeynaysay.

“Goobjoog waxaan ugu hambalyeenayaa Snaad guuradeeda Sedaxaad, waxaan is lahaa weyba ka badan tahay intaasi, marka loo eego shaqooyinka ay qabatay”

Pakistan ayaa kula dar daarmay wariyaasha Goobjoog in ay u dhabar adeegaan howsha shaqo ee ay bulshada u hayaan.

Idaacadda Goobjoog ayaa maanta u dabaal degaysa Sanad guuradii Sedaxaad markii Idaacadda ay hawada kusoo biirtay.

Goobjoog News