Soomaalida magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka ayaa sheegey in ciidda ay qaadici doonaan in ay camiraan ama ka tukaameystaan suuqa weyn ee loo yaqaano Mall of Amerika iyaga oo barbar taagan dadka madoow ama ololaha lagu magacaabo “Black Lives Matters” ama “Nolosha Dadka Madoow Waa Mid Muhiim ah”.
Arrintani ayaa waxa ay ka dambeysey kadib markii xaruntani ganacsi ay xirxirtey dad ka tirsan ololahani loogu doodayo xuquuqda dadka madoow 30 ka mid ah kuwaasi oo sanadkii hore mudaaharaad ka hor dhigey xaruntani, illaa haddana xabsi ku jira.
Afhayeen u hadlay jaaliyadda Soomaalida oo lagu magacaabo Axmed Xirsi ayaa sheegey in ay dalbanayaan in la siidaayo dadkii la xirxirey.




From the comments