U bood dhigaalka

Faah Faahin:- Ciidamada Kusii Siqaya Degmada Baardheere Iyo Al-shabaab Oo Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwa Jubbland iyo ciidamada AMISOM oo is garab sanaya ayaa ku dhaqaaqay degmada Baardheere ee gobalka Gedo, iyaga oo dhowr jiho ka kala baxay.

Wararkii ugu dambeeyay ee aynu ka helnay gobalka Gedo ayaa ku waramaya in ciidamadaan ay dagaal la galeen habeenkii xalay ahaa ciidamada Xarakada Al-shabaab.

Deegaanka Tarako oo qiyaastii 50 km degmada Baardheere u jira ayaa la sheegay in dagaal saacado socday uu ka dhacay, kaasi oo khasaare naf iyo maalba leh geystay.

Al-shabaab ayaa isku dayay in deegaankaasi oo laga qabsaday ay dib ula wareegaan, hase ahaatee aysan u suurta gelin, iyadoo dagaal xoogan ka dib ay dib uga sii baxeen.

Wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga helayo halka lagu dagaallamay ayaa waxay sheegayaan in xaaladda ay degan tahay, iyadoo ciidamada is garabsanaya ay kasii dhaqaaqeen deegaankaasi.

Ilo wareedyo ku sugan degmada Baardheere ayaa u sheegay Goobjoog News in ciidamada ay gaareen deegaan lagu magacaabo Garas-dulan oo qiyaastii 35 km u jirta degmada Baardheere.

Seddaxda jiho ee degmada Baardheer looga kala dhaqaaqay ayaa kala ah, dhanka degmada Qansax dheere, Buurdhuubo iyo dhanka degmada Fafax-dhuun.

Wararkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News