Maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobalada Koonfureed ayaa sheegay in ay qeyb ka yihiin ciidamada is garabsanaya ee ku wajahan degmada Baardheere gobalka Gedo, islamarkaana maalmo gudahooda ay degmadaasi ku qabsan doonaan.
Gudoomiye ku xigeenka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobalada Koonfureed Shariif Saxardiid Shariif Aadan oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamada ay Seddax jiho ka aadeen degmada Baardheere, islamarkaana shacabka ay ka xureen doonaan Al-shabaab waa sida uu hadalka u dhigaye.
“Ciidamada dowladda Federaalka, Ahlu-sunna iyo kuwa Itoobiya ee ka midka ah AMISOM ayaa si wadajir ah u wada howlgalka aynu ugu tala galnay inaan shacabka Baardheere ku xureenno, meelo badan ayeey ciidanka ka dhaqaaqeen, waxaana jecelnahay in maalmaha nagu soo aadan aan degmada xureenno” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka.




From the comments