Maamulka degmada Baraawe ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyay qorshaha lagu doonayo in lagu dhiso garoonka diyaaradaha degmadaasi, kaasi oo horay uu u dhegax dhigay madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Bashiir Maxamed Yuusuf oo ah sii hayaha xilka gudoomiyaha ee degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in dhamaadka bishaan July la bilaabayo dhismaha garoonka, islamarkaana howsha loogu diyaar garoobayo ay soo dhamaatay.
“Bishaan aynu ku guda jirno dhamaadkeeda waxaa la bilaabayaa dhismaha garoonka magaalada Baraawe, sida ay inoo sheegeen maamulka iyo dowladda, waxaana la filayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu dhameeyo” ayuu yir Bashiir Maxamed.




From the comments