Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafti uu hoggaaminayo oo maalmahan hawlo shaqo u joogay Puntland ayaa booqasho ku tegay magaalada Qardho iyagoo ka jawaabaya casumaad uga timi Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed. Saraakiisha degmada, waxgarad, arday iyo haween ayaa si heer sare ah Ra’iisul Wasaaraha ugu soo dhoweeyey magaalada Qardho.
Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa dadkii ku soo dhoweeyey Qardho wuxuuu uga mahadceliyey sida weyn ee ay u soo dhoweeyeen isagoo sheegay in taasi ka tarjumeyso sida dadka reer Qardho ay u jecel yihiin Soomaalinimada iyo midnimada dalka.
“Waxaan mahad ballaaran u celinayaa dad weynaha sharafta badan ee reer Qardho ee ka kooban dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee maanta sida weyn halkan noogu soo dhoweeyey. Runtii soo dhoweyntan waxay muujinaysaa midnimo iyo sida aad u jeceshihiin in la adkeeyo wadajirkeenna. Booqashadan ma noqoneyso tii ugu danbaysay ee marar badan ayeynu isu soo noqon doonnaa”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu




From the comments