Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa ku waramaya in Xarakada Al-shabaab ay xabsi ku yaalla degmadaasi kasii daayeen Maxaabiis ay halkaasi muddo ku hayeen.
Maxaabiista lasii daayay ayaa tiradooda waxaa naloogu sheegay 19 qof, iyadoo sidoo kale ay gaadiid ku kaxeeyeen maxaabiis kale oo la sheegay in ay dambiyo culus ku eedeeyeen.
Dhanka kale Idaacadii ku hadlaysay Afka Al-shabaab ee Al-andalus ayaa hawada laga saaray, waxaana dad ku sugan degmada Baardheere ay Goobjoog News u xaqiijiyeen in qalabka Idaacadaasi ay halkaasi ka qaateen.




From the comments