Warar goor dhaw aynu ka helnay gobalka Gedo ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya ay duqeyn dhanka cirka ah ka geysteen deegaanno ku dhaw degmada Baardheere ee gobalkaasi.
Diyaaradahaan oo ahaa miigag ayaa wararku waxay sheegayaan in ay duqeyntaan ka geysteen inta u dhaxeysa deegaanada Gubadxaar iyo Juungal oo qiyaastii dhanka Galbeed 33 Kilo Miter kaga beegan degmada Baardheere.
Waxaa la rumeysan yahay in duqeyntaan lala eegtay goob ay ku sugnaayeen saraakiil iyo ciidamo ka mid ah Xarakada Al-shabaab, inkastoo weli faah faahin buuxda aan laga helin warkaasi.




From the comments