Maamulka isbitaalka magaalada Marka ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in dadkii shalay ku dhaawacmay rasaas ay fureen ciidamada AMISOM qaarkood xaaladooda ay tahay mid adag.
Agaasimaha Isbitaalkaasi Sheekh Cabdullaahi Macalin oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in dadka dhaawac ahaanta Isbitaalkaasi shalay loo geeyay ay tiradoodu ahayd 7 qof, oo mid ka mid ah Dumar tahay.
“Shalay Isbitaalka waxaa naloo keenay 7 qof oo mid Haweeney tahay, iyo Laba wiil dhalin yaro ah oo Meyd ah, dadka dhaawaca ah qaarkood xaaladoodu wey culus tahay, balse annaga waxaan wadnaa dadaal aan ku samatabixineyno” ayuu yiri Agaasimaha.




From the comments