Wararka ka imaanaya degmada Baardheere ee gobalka Gedo ayaa ku waramaya in ciidamada Xarakada Al-shabaab ay guud ahaan isaga baxeen degmadaasi oo muddo badan maamulayeen.
Qof ku sugan degmada Baardheere ayaa Goobjoog News u sheegay in ay ka war heleen ciidamada Al-shabaab oo gaadiidkooda iyo agab kale kala baxaya degmadaasi.
Degmada waa mid haawanaysa, waxaana duleedkeeda ku sugan ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM.




From the comments