Wararka ka imaanaya gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo badan oo Itoobiyaan ah, kana mid ah howlgalka AMISOM ay gaareen degmooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.
Ciidamadaan oo aad u badan ayaa la sheegay in banaanka degmooyinkaasi ay fariisin ka sameysteen, iyadoo tegidooda halkaasi aan la ogeyn uljeedka ay la xiriirto.
Qof ku sugan degmada Guriceel ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in ciidamadaan ay yihiin kuwo hubeysan, lagana war helay iyaga oo kusoo qul qulaya degmadaasi.




From the comments