U bood dhigaalka

Dad Ceel Ku Dhacay oo Badbaadintooda Lagu Mashquulsanyahay Degmada Kaaraan

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in saraakiisha dowladda ay ku hawlanyihiin sidii ay usoo badbaadin lahaayeen labo qof oo la sheegey in ay ku dhaceen ceel biyood halkaasi ku yaala.

Sida uu Goobjoog FM u sheegey guddoomiyaha degmada Cabdifataax Cali Nuur, labadan nin ayaa dusha sare ka saarnaa gaari iska roge ah oo dariiqa marayay kaasi oo shil galay, kadibna uu rogmey, taasi oo keentey in uu gudaha u galo guri halkaasi ka dhawaa oo uu ceel ku yaalay, kadibna ay labadii nin ay ceelka ku dhaceen.

“badbaadinta ayaan ku jirnaa, hal qof ceelka gudihiisa ayuu ka qeylinayaa, qofka kale hadalkiisa lama hayo, saraakiisha waaxda dowladda hoose ayaa ku hawlan soo bixinta” ayuu yiri Cabdifataax Cali Nuur.

Sida uu sheegayo wariyaheena Ibraahim Xaaji Yuusuf degmooyinka Cabdicasiis iyo Kaaraan qeybo ka mid ah ayaa ku badan ceelasha gaarka loo leeyahay eek u yaala guryaha dhexdooda.

Waa markii koowaad oo shilkii ugu horeeyey oo noocan oo kale ah oo ka dhaca halkaasi.

Goobjoog News