Guddiga Olombika Soomaaliyeed GOS ayaa maanta muqdishio ku qabtay ciyaarayo lagu xusayo maalinta Olombikada Adduunka oo ku beegnayd 23 June, basle sanadkan ay GOS dib u dhigeen maadaama ay maalintani ku soo beegantay bisha ramadaan laguna go’aansaday in la qabto 23 July.
Dabaaldega maalinta ku wayn bahda Olimbikada adduunka ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka kala socotay GOS, Xiriirka Ciyaaraha Fudud, Xiriirka Kubada kolayga Xiriirka kubbadda Gacanta , Ururada Ciyaartoyda Caafimaadaka iyo saxafada ee Gos iyo waliba martisharaf kale oo lagu casuumay dabaaldegan.
Munaasabaddan oo lagu qabtay garoonka Wiish ayaa tartamadii lagu xusay waxaa ka mid ahaa ciyaaaro orodo oo ay ka qayb qaateen inka badan 200 oo ciyaaryahan isuguna jiray wiilal iyo gabdho, kulan ay ka qayb galeen xiddigaha gabdhaha kubadda kolayga oo isku arkay cayaar aad u adkyd, Xiriirka Taekwanduga oo ciyaaro iyo dhoolatusyo qurux badnaa ku soo bandhigay garoonka iyo waliba ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka oo ay ka maqsuudeen dadwaynihii garoonka usoo daawasho tagay.









From the comments