Madaxaweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta lagu wadaa in lagu caleema saaro degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud.
Qaban qaabada munaasabadda caleema saarka ayaa si aad ah looga dareemayaa guud ahaan degmadaasi, waxaana ammaanka uu yahay mid aad loo xaqiijiyay.
Abukar Sheekh Maxamuud oo ah xoghayaha gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa u xaqiijiyay Goobjoog News in ay degmadaasi ku qulqulayaan mas’uuliyiin dhowr ah, lana sugayo kuwo kale.




From the comments