Madaxweynihii Hore ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey Rooble Colhaye oo Geeriyoodey-Akhri Taariikdiisa
Waxaa geeriyoodey Rooble Colhaye oo ahaa safiirkii waqtigii ugu dheeraa ee fadhiyey dalka Maraykanka isaga oo ahaa ergeyga joogtada ah ee Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobey iyo safiirka Jabuuti ee…
President Barack Obama and First Lady Michelle Obama pose for a photo during a reception at the Metropolitan Museum in New York with, H.E. Roble Olhaye Permanent Representative of the Republic of Djibouti to the United Nations, Wednesday, Sept. 23, 2009. (Official White House Photo by Lawrence Jackson) This official White House photograph is being made available only for publication by news organizations and/or for personal use printing by the subject(s) of the photograph. The photograph may not be manipulated in any way and may not be used in commercial or political materials, advertisements, emails, products, or promotions that in any way suggests approval or endorsement of the President, the First Family, or the White House.
Published July 23, 2015 - Updated July 23, 2015
Akhris 2 daqiiqo ah
Waxaa geeriyoodey Rooble Colhaye oo ahaa safiirkii waqtigii ugu dheeraa ee fadhiyey dalka Maraykanka isaga oo ahaa ergeyga joogtada ah ee Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobey iyo safiirka Jabuuti ee Maraykanka.
Roble Collhaye waxaa uu dhashay 24 April 1944, waxaa uu ahaa wakiilka joogtada ah ee Jabuuti u fadhiya Qaramada Midoobey iyo Safiirka dalkaasi ee Marykanka laga soo bilaabo 1988.
1989dii, Colhaye waxaa loo magacabay Safiirka Djabuti ee Canada, Mareykanka waxaa uu ahaa Camiidka Diplomaasiyiinta Mareyakanka ama madaxa bahda dublamaasiyiinta ee Maraykanka , waa aabe leh shan caruur ah.
Waxbarashadiisa waxaa uu heystay shahaadada Dibloomada ee xagga ganacsiga oo uu ka qaatay mac-hadka Ganacsiga ee Addis Ababa , waxaa uu sidoo kale bartay xisaabaadka, dhaqaalaha, canshuuraha, qaanuunka iyo maareynta .
Culuumta xisaabaadka waxa uu ku dhigtey jaamacad ku taala dalka Ingiriiska.
Intii uu qeyb ka ahaa golaha Ammaanka, waxaa uu Mozambique ka caawiyay in doorashooyin xor ah ka dhacaan 1994. Waxaa uu sidoo kale ka shaqeeyay hey’adda xagga deegaanka ee Qaramada Midoobey United Nations Environment Programme (UNEP) iyo hey’adda guriyeynta Qaramada Midoobey ee United Nations Centre for Human Settlements (Habitat).
Waxaa uu helay abaalmarinta ugu sareysa ee dalka Djabuti laga bixiyo, waxaa uu sidoo kale wax badan ka badalay siyaasadda dalkiisa ee dibadda.
Goobjoog News
President Barack Obama and First Lady Michelle Obama pose for a photo during a reception at the Metropolitan Museum in New York with, H.E. Roble Olhaye Permanent Representative of the Republic of Djibouti to the United Nations, Wednesday, Sept. 23, 2009. (Official White House Photo by Lawrence Jackson) This official White House photograph is being made available only for publication by news organizations and/or for personal use printing by the subject(s) of the photograph. The photograph may not be manipulated in any way and may not be used in commercial or political materials, advertisements, emails, products, or promotions that in any way suggests approval or endorsement of the President, the First Family, or the White House.
From the comments