Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa ugu hambalyeeyay Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee (AMISOM) guulaha waaweyn ee ay ka gaareen howlgalada ka socda qaar kamid ah gobollada dalka, wuxuuna si gaar ah uga hadlay la wareegitaanka degmada Baardheere .
Gen Diini, ayaa sheegay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo saaxiibada AMISOM in ay wadeen xilliyadii ugu danbeeyey weerar ballaaran oo saddex geesood ah oo lagu qabanayay meelaha ay weli ku sugan Al-shabaab, isagoo xusay in gulufkan uu qayb ka yahay dadaalka dowladda ay ku dooneyso in ay ku qabato deegaanada Al-shabaab dalka ka maamulaan.
“Ciidamadeenna geesiyaasha ah iyagoo ka duulaya waajibaadka qaran ee saaran iyo difaacidda dalkooda hooyo, waxay qaadeen dhowr weerar oo ka socda aagagga kala ah Jubbooyinka, Bay iyo Bakool. Weeraradaasi oo natiijo fiican laga gaaray, waxaa lagu xoreeyey dhul ballaaran oo ay ka mid tahay degmada muhiimka ah ee Baardheere, tuulooyin iyo dhul miyi ah” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Gen.




From the comments