Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa kasoo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi halkaasi oo loogu sameeyey soo dhaweyn balaaran.
Waxa sidey diyaarada ciidamada cirka Maraykanka ee loo yaqaano Airforce 1, waxaana qaabiley madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo madax kale oo dalkaasi ka tirsan.
Obama ayaa saxiixay buugga booqashada ee garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta, waxaana lagu wadaa in loo galbiyo hoyga uu ka dagayo Nairobi oo aanan la ogeyn meesha uu yahay, balse waxaa la fili karaa in ay jirto casho sharaf loo sameynayo.




From the comments