Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Xarakada Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka dhacay deegaano duleedka ka ah degmada Xudur ee gobalka Bakool.
Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay lahaayeen weerarka dagaalkaasi, ka dib markii ay ku baxeen deegaanadaan oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.
Inta la xaqiijiyay Laba qof oo dhinacyadii dagaallamay ka kala tirsan ayaa dagaalkaasi ku geeriyootay, balse lama oga tirada rasmiga ah ee dadka halkaasi ku dhaawacmay.




From the comments