Darawalada Gaadiidka ee ka shaqeeya degmada Afgooye iyo deegaanada ku dhaw ayaa ka cabanaya Isbaarooyin kusoo batay deegaano hoostaga degmadaasi, kuwaasi oo dhac loogu geysto shacabka gaadiidka saaran.
Deegaanada ugu daran ee xilligaan Isbaarooyinka yaallaan ayaa lagu sheegay Cumar Beere iyo Sagaalaad waxaana la sheegayaa in ay dhigteen rag xiran dareeska ciidamada dowladda Federaalka.
Qaar ka mid ah Darwaladaan ayaa u sheegay Goobjoog News in dadka rakaabka ah la dhaco, iyagana laga qaado qarashaad aad u badan, iyadoo taasi ay dheertay dhaca gaadiidka.




From the comments